Isku xirrada

War Deg-Deg ah

85,000 oo carruur ah oo ku dhintay dagaalka Yemen


Canug ku dhaawacmay duqeynta Sacuudiga ee Yemen

Qiyaastii 85,000 oo ah carruur da’doodu ka hooseyso 5 jir, ayaa laga yaabaa inay cudurro iyo gaajo ugu dhinteen dalka Yemen, tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka billowday dalkaas, sanaddii 2005, waxaa sidas maanta sheegtay hay’ad caalami ah.

Hay’adda Save the Children ayaa sheegtay in qiyaastan oo ah mid aad u hooseysa lagu salleeyey cel-celiska heerka dhimashada ka dhalatay nafaqo darrada aadka u xun ee QM ay sheegtay inay saameysay 1.3 milyan oo carruur ah, tan iyo markii uu dagaalka billowday bishii March ee 2015.

Tamer Kirolos, oo ah agaasimaha Save the Children ee Yemen ayaa yiri “Canug kasta oo ku dhinta xabad ama qarax, 10 ayaa u geeriyoota macluul, waana wax gebi aah laga hortagi karo”, isaga oo intaas ku daray “dadka u dhinta sidan aad ayey u rafaadaan”

Dagaalka ayaa u dhaxeeya isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo iyo mucaaradka Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto.

Dagaalka Yemen iyo go’doominta Sacuudiga ay ku sameeyeen dalkaas ayaa hogaamisay xasaraddii bani’aadannimo ee ugu xumeyd dunida, ayada oo 8 milyan oo caruur ah ay halis ugu jirana macluul.

XS
SM
MD
LG