Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin soo garay xadka Mareykanka


Safkii ugu horreeyay oo ka mid ah kumanaan muhaajiriin ah, oo iyaga oo cagahooda maalaya kusoo wajahan xuduudka koofureed ee dalkaan Mareykanka ayaa Arbacadi shalay gaaray magaalada Tijuana ee xadka dalka Mexico.

Ilaa iyo 800 oo isugu jira carruur, haween iyo rag ayaa hadda ku sugan magaalada Tijuana.

Qaar badan oo ka mid ah dadkaan ayaa sheegay in ay joogi doonaan halkaas, si ay u sugaan kooxda kale ee mujaajiriinta ah.

Muddo bilooyin ah ayay ku qaadatay in ay Tijuana gaaraan kaddib markii ay kasoo carareen rabshado iyo faqri kasoo barabixiyay dalal ku yaalla bartamaha America, haba ugu darnaado dalka Honduras.


Ku dhawaad 4,000 oo muhaajiriin oo hadda socod kusoo maraya inta u dhaxeysa gobolka Sonora iyo magaalada Tijuana ayaa lagu wadaa in ay xadka Mexico soo gaaraan maalmaha soo socda.

Dadkaan ayaa raba in ay Mareykanka kasoo xadka uu la wadaago dalka Mexico.

Madaxweyne Donald Trump ayaa cambaareeyay muhaajiriintan islamarkaana xadka u diray kumanaan ka mid ah milatariga si ay uga hortagaan muhaajiriintan.

XS
SM
MD
LG