Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo joojisay dagaalkii Gaza


Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natenyahu ayaa difaacay go’aan uu ku joojiyey dagaalkii Gaza kadib markii hogaamiyayaasha Xamas ay aqbaleen xabad-joojin ay dhex-dhexaadisay Masar.

Heshiiskan ayaa muddo dhowr maalmood ah lagu hakiyey dagaalkii dhimashada badnaa ee u dhaxeeyay labada dinac.

“Cadowgeena waxay naga baryeen xabad-joojin, wayna ogyihiin sababta” ayuu yiri Netanyahu.

Qaar ka mid ah xubnaha ku jira dowladda Netanyahu iyo Israa’iiliyiin kale ayaa cambaareeyey tallaabadan, waxayna beddelkeeda doorbidayaan in ciidamada Israel ay si awood leh ugu jawaabaan Xamas.

Dagaalyahanada Gaza ku sugan ayaa 460 gantaalo iyo hoobiyaal ah ku riday Israel, taasi oo dhalisay in Israel ay ku jawaabto inay duqeyso 160 bartilmaameed oo ku yaalla Gaza.

Isku-dhacyadan ayaa waxaa ku geeriyooday toddoba Falastiiniyiin ah. Dhinaca Kale Israel ayaa waxaa gantaallada Xamas uga dhintay hal qof, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.

XS
SM
MD
LG