Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado ka dillaacay magaalada Gaza


Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa soo gaabinaya booqasho uu ku joogo magaalada Paris kadib markii rabshado ay ka dilaaceen magaalada Gaza.

Ma cadda sababta dhalisay dagaalka Gaza oo ay ku dhinteen lix Falastiiniyiin ah iyo askari Israeli ah.

Kooxda Xamas ayaa sheegtay in Israel ay howl-gal qarsoon ka billowday Gaza si ay u ugaarsato taliye ka tirsan Xamas. Waxay sheegtay in Israel ay duqeymaha u bilowday si ay ugu ogolaato israa’iiliyinta howl-galka fuliyey inay baxsadaan.

Israel ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan waxa ay ugu yeertay “howlgal ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Israel”

Dhowr gantaal oo laga soo tuuray Gaza ayaa dhinaca kale ku dhacay Israel.

Dagaalka ayaa yimid ayada oo Netanyahu uu difaacay go’aan uu dowladda Qatar ugu ogolaaday inay 15 milyan oo gargaar ah ugu gudbiso Gaza, taasi oo qeyb ka ah dadaal uu xasilooni ugu soo dabaalayo magaaladan oo ay maamusho Xamas.

XS
SM
MD
LG