Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo 5,200 askari u diraya xuduuda Mexico


Wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa 5,200 oo askari u direysa xuduudda Mareykanka iyo Mexico, si loola tacaalo muhaajiriin u dhashay dalka Honduras oo kusoo wajahan Mareykanka.

“Ammaanka xuduudda waa ammaanka qaranka” Waxaa sidaasi yiri Jeneral Terrence O'Shaughnessy oo ah taliyaha taliska waqooyi ee ciidamada Mareykanka.

Waxa uu sheegay in 5,200 ka askari ay dheeri ku noqon doonaan qiyaastii 2,100 oo askari oo ciidamada ilaalada qaranka ah, kuwaas oo horey loo geeyey xuduudda.

Taliyaha kastamka iyo ilaalada xuduudda Mareykanka, Kevin McAleenan ayaa sheegay in qiyaastii 3,500 oo qof oo isugu jira rag, haween iyo carruur oo iminka ku sugan dalka Mexico, ay si tartiib ah ugu soo socdaan Mareykanka.

Koox kale oo iyana ka kooban 3,000 oo qof ayaa axaddii kusoo siqay xuduuda Mexico iyo Guatemala, ayadoo ujeedkoodu yahay inay kooxde hore ku biiraan.

McAleenan ayaa sheegay in dadka xuduudda kasoo gudbay la xiri doono, kadibna la eegi doono codsigooda magan-galyo doon, sida sharciga Mareykanka uu dhigayo.

XS
SM
MD
LG