Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan: Dilka Khashoggi wuu qorsheysnaa


Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan astaamo xooggan oo muujinaya in dilka suxufigii Sacuudiga ee Jamal Khashoggi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana loo fuliyey ‘si aad u fool xun”

Isaga oo xubno ka tirsan xisbigiisa AKP kula hadlayey baarlamanka, ayaa Erdogan waxa uu sheegay inuusan ku qanacsaneyn sheesgashada Sacuudiga ah ee ah in xubno ka tirsan sirdoonka dalkaas oo kaliya ay ka dambeeyaan dilka.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay diyaarinta qorshaha dilka billaabeen dabayaaqadii bishii September ka hor inta aan Khashoggi la dilin labadii October.

Hadalkiisa ayaa waxa uu burinayaa kan Sacuudiga ee ahaa in Jamal Khashoggii uu ku geeriyooday dagaal si lama filaan ah uga dhacay qunsuliyadda.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale dalbaday in 18-ka qof ee Sacuudiga ay sheegeen in dilka loo xiray, lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbul, oo dilka uu ka dhacay.

Erdogan ayaa sheegay inuusan wax shaki ah ka qabin daacadnimada boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis, isaga oo aan sharaxaad bixin.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in weli aan la aqoon halka uu jiro meydka Jamal Khashoggi, wuxuuna Sacuudiga ka dalbaday inay shaaca ka qaadaan qof Turkish ah oo la shaqeeya, oo meydka qaaday.

Erdogan ayaan khudbaddiisa ku magacaabin Maxamed Bin Salman, oo qaar ka mid ah sharci dejiyayaasha Mareykanka ay dilka ku eedeeyeen, hase yeeshee waxa uu sheegay in Turkey aysan soo xiri doonin baaritaanka kiiska dhimashada Khashoggi, illaa dhammaan su’alaaha taagan laga jawaabo.

XS
SM
MD
LG