Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashooyihinkii Kandahar oo dib loo dhigay


Afghanistan Election
Afghanistan Election

Guddiga doorashada Afghanistan ayaa muddo toddobaad ah dib u dhigay doorashooyinka baarlamanka gobolka Kandahar kadib dilka laba sarkaal oo sare.

Taliyihii booliska Kandahar Jeneral Abdul Raziq ayaa khamiistii lagu dilay toogasho dhacday intii lagu guda jiray booqashada jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareykanka ee Afghanistan.

Waqtiga dheeriga ah ee lagu daray xilliga qabashada doorashada ayaa dadka baroordiiqaya siineysa fursad ay ku dhigtaan tacsi uguna duceeyaan dhibanayaasha.

Jeneral Scott Miller oo Mareykan ah, oo wax dhibaato ah aysna gaarin, ayaa booqanayey guriga barasaabka gobolka Kandahar, halkaasi oo uu kulan kula lahaa barasaabka iyo saaakiil kale oo ka tirsan maamulka gobolka.

Ka sokow Razi, oo horey uga bad-baaday dhowr weerar oo Taliban ay doneysya inay kudsho, waxaa weerarkii lagu dilay madaxii sirdoonka gobolka, ayada oo six un loogu dhaawacay barsaabkii gobolka.

Sidoo kale saddex askari oo Mareykan ah ayaa weerarka lagu dhaawacay, ayada oo filimqaade reer Afghanistan ah uu sidoo kale ku dhintay.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegay toogashada ay dhacday markii uu kulanka dhammaaday oo saraakiisha ay u socdeen garoon ay cagdhigtaan diyaaradaha qumaatiga u kaca, oo ay ka bixi lahaayeen.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay weerarka oo ay sheegtay inuu fuliyo qof ku dhex-milmay ciidamada maamulka Kandahar.

XS
SM
MD
LG