Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in markii uu la kulmay hogaamiyayaasha Sacuudiga aysan dooneyn inay ka hadlaan dhammaan xaqiiqooyinka ku hareereysan maqnaanshaha suxufiga reer Sacuudi ee fadhigiisu ahaa Mareykanka.
Jamal Khashoggi, oo aan la arag tan iyo labadii bishan markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, ayaa saraakiisha Turkiga waxaya sheegeen in lagu dhex-dilay kadibna xubin xubin loogu kala gooyey gudaha qunsuliyadda, eedeymahaas oo Sacuudiga ay beeniyeen.
Pompeo oo Ankara u jooga inuu mas’uuliyiinta Turkiga kala hadlo baaritaanka ay ku hayaan kiiska weriyaha la la’yahay, ayaa sheegay in boqor Salmaan iyo dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan ay u ballan-qaadeen inay dunida la wadaagi doonaan natiijada baaritaankooda.
Pompeo waxa uu sheegay in Sacuudiga ay ka go’an tahay inay la xisaabtamaan cid kasta oo lagu helo inay qalad gashay, taasi oo cidna aysan ka reebneyn xitaa xubnaha boqortooyada.
Wargeyska The Wall Street Journal ee Mareykanka ayaa talaadadii qoray in wakiilo Sacuudiyaan ah ay garaaceen, daroogeeyeen kadibna cadcad u jareen Jamal Khashoggi. Waxaa sidaas oo kale weriyey warbahainta Turkiga.