Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Australia oo ka fakareysa inay Qudus u aqoonsato caasimada Israel


Ra’iisul wasaaraha Australia, Scott Morrison ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo sidii ay dowladdiisa magaalada Qudus ugu aqoonsan laheyd caasimadda Israel, sidoo kalana ay safaaraddooda magaalada Tel Aviv ay ugu rari lahaayeen Qudus.

Ra’iisul wasaare Morrison ayaa maanta u sheegay wariyeyaasha inuu ka fakarayo talo soo jeedin arrintaasi ku saabsan oo uu usoo jeediyay Dave Sharma oo ah safiirki hore ee Australia u qaabilsanaa Israel.

Sharma, oo ah xubin ka tirsan xisbiga muxaafidka ee Ra’iisul wasaare Morrison, ayaa Sabtida soo socota u tartami doona doorasho baarlamaani oo ku celis ah, waxaana uu tartanka kaga jiraa degmo ay ku badanyihiin dadka Yahuuda ah ee ku nool magaalada Sydney.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday magaalada Qudus in ay tahay caasimadda Israel bishii December ee sannadki hore, wuxuuna halkaas u raray safaaraddii Mareykanka ee Tel Aviv.

XS
SM
MD
LG