Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: Meydka gabdho Soomaali ah oo la helay


Ciidamada booliska ee magaalada Cheska ee gobolka Minnesota ayaa xaqiijiyay dhimashada laba gabdhood oo Soomaali ah oo la la’aa tan iyo aroortii hore ee Sabtida.

Booliska ayaa xalay soo gaba gabeeyay baaritaan ay ku hayeen kiiska gabdhahaan oo markii ugu danbeysay la sheegay in ay booliska weydiisteen gargaar kaddib marki ay soo waceen nambarka gargaarka dag dagga ee booliska Mareykanka.

Booliska ayaa sheegay in gaariga ay wateen Bushra Maxamud Cabdi iyo Saynab Cusmaan Cabdulle oo labudaba 19 sano jir uu ku dhacay balli.

Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Cheska Scott Nike ayaa warbaahinta u sheegay in meydka gabdhaha ay midna gaariga dhexdiisa ka heleen midka kalana biyaha dhexdooda.

Taliyaha ayaa sheegay in wali ciidamada nabadgalyada wadaan baaritaan la xiriirta sababta keentay shilka ay ku dhinteen gabdhahan Soomaalida ah.

Mascadde ayaa warbixintan kasoo diray Minneapolis

Minnesota: Meydka gabdho Soomaali ah oo la helay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:55 0:00

XS
SM
MD
LG