Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FBI-da oo soo afjartay baaritaanka Kavanaugh


Brett Kavanaugh
Brett Kavanaugh

Hay’adda FBI-da ee dalkan Mareykanka ayaa soo gagabaysay baadhitaan ay ku samaysay garsoore Brett Kavanaugh oo madaxaweynaha Maraykanka Donald Trump uu usoo magacaabay inuu ka mid noqdo sagaalka garsoore ee Maxkamadda Sare ee dalkan.

Warbxintan, ayaa kadib markii ay akhriyeen Sanatarrada oo iyagu ansixiya garsoorayaasha, waxay uga hadleen siyaabo kala duwan, iyadoo xubnaha Jamhuuriyiintu ay sheegeen inaysan ku jirin caddaymo muujinaya dhaqan-xumo uu sameeyey Brett Kavanaugh oo hore haweenayda Christine Balsey Ford ay ku eedaysay inuu xadgudub kula kacay in ka badan 30 sano ka hor.

Xubnaha Dimqoraadiga ayaa iyagu sheegay in warbixintaasi ay tahay mid aan dhammaystirnayn, waxayna sheegeen in FBI-da hawsheeda la xadiday.

Waxaa la filayaa in cod aqalka Sanatka u qaadaan Kavanaugh maalinta Sabtida wuxuuna ku gudbi karaa hadii ay taageeraan dhammaan xubnaha Jamhuuriga ama 51 cod oo aqalka Sanatka ah oo ka kooban 100 Sanatar.

Wararkii ugu dambeeyey ee amuurtan waxaa warbixintan ka diyaarisay Sahra Cabdi Axmed.

Brett Kavanaugh
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:32 0:00

XS
SM
MD
LG