Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pompeo oo u safraya Korea-da Waqooyi


Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sabtida u safri doona Asia, waxaana uu maalinta axadda la kulmi doonaa hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un, xilli ay labada dhinac isku diyaarinayaan kulan madaxeedkii labaad ee Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi.

Inkasta oo Washington ay muddo saadaalineysay kulanka, haddana wuxuu imanayaa maalmo kadib markii xukuumadda Seoul ay sheegtay in Pyongyang ay keyd u haysato illaa 60 hubka Nukilyeerka ah.

Dhinaca kale, ayada oo sanad laga joogo markii Korea-da Waqooyi ay bilowday inay la macaamisho dunida, ayaa waxaa soo badanaya dalalka ku baaqaya in laga qafiifiyo xayiraadda dhaqaale si loogu abaal-mariyo hab-dhaqankeeda.

Beijing iyo Moscow ayaa ugu baaqay golaha ammaanka ee QM inay dib u qiimeyaan cunaqabateynta.

Wasiirka arrimaha dibedda China, Wang Yi ayaa sheegay in xiriirka soo wanaagsanaanaya ee Korea-da Koonfureed iyo Tan waqooyi, iyo midka Korea-da Waqooyi iyo Mareykanka ay tahay inay hogaamiyaaan in Pyongyang laga qafiifiyo cunaqabateynta.

Si kastaba, Washington ayaa ku adkeysaneysa in cunaqabateynta ay halkeeda sii ahaan doonto.

XS
SM
MD
LG