Qarax ismiidaamin ayaa lala beegsaday goob ay isugu soo urureen dad ka qeyb galayey olole doorasho oo ka dhacayey bariga Afghanistan, halkaasi oo lagu dilay 14 qof, 30 kalena lagu dhaawacay.
Qaraxa oo ka dhacay degmada Kama ee gobolka ee Nangarhar ayaa lala beegsaday xafiiska mid ka mid ah musharaxiinta doorashooyinka baarlamanka ee dhacaya 20-ka October. Xaaladda musharaxa, oo lagu magacaabo Nasir Mohmand, ayaan weli la ogeyn.
Afhayeenka gobolka, Attaullah Khogyani ayaa VOA u sheegay in qof soo xirtay walxaha qarxa uu isku dhex qarxiyey dadka xilli ay dhageysanayeen musharaxa.
Waa weerarkii ugu weynaa ee lala beegsado dhacdo doorasho tan iyo markii saraakiisha dalkaas ay toddobaadkii tagey u ogolaadeen 2,500 oo musharax oo ay ku jiraan 417 haween ah inay billaabaan ololahooda.
Ma jiro cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, hase yeeshee gobolka ayaa waxaa ku xooggan kooxaha Taliban iyo Daacish.