Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kavanaugh iyo gabadha eedeysay oo hortagaya senate-ka


Garsoore Brett Kavanaugh oo madaxweyne Trump u magacaabay Maxkamdda Sare iyo haweeneey ku eedeeyay inuu hadda ka hor isku dayey inuu kufasado ayaa maanta lagu wadaa in ay hor-yimaadaan guddi hoosadka cadaaladda ee Golaha Senate-ka.

Guddigan ayaa su’aalo weydiin doona Kavanaugh iyo Dr. Christine Blasey Ford, sidoo kale waxay dhageysan doonaan eedaha Dr. Ford iyo is-difaacista garsooraha.


Christine Blasey Ford oo maadada cilmu-nafsiga ka dhigta jaamacad ayaa ka hor-marqaati furi doonta eedaha ay soo jeedisay oo ah in Kavanaugh uu isku-dayay inuu ku kufsado xaflad dhalinyaro, sannadki 1982-kii, markaas oo labaduba ay dhiganayeen dugsiga sare.

Qoraal uu ka hor-aqrin doono guddiga senate-ka oo ay warbaahintu heshay ayuu Kavanaugh, si aada ugu beeniyay eedaha ay usoo jeediyeen dhowr dumar ah.

Wuxuu sheegay in la doonayo in lagu magac-dilo qof wanaagsan, isla markaana lagu hor-istaagi doono in muwaadiniinta wanaagsan ay u shaqeeyaan shacabkooda.


Muranka ka taagan ansixinta Kavanaugh ayaa imanaya xilli ay todobaadyo un ka hareen xilliga ay dadka Mareykanka u dareeri doonaan doorashooyinka xilliga dhexe ee bisha November.

XS
SM
MD
LG