Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo beeniyey eedeynta Trump


Wang Yi
Wang Yi

Shiinaha ayaa beeniyey eedeymo ka yimid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ahaa in Beijing ay faro-gelin ku hayso doorashooyinka Mareykanka ee dhacaya bisha November ee sanadkan.

Qaar ka mid ah warbaahinta China ayaa warka Trump ku sheegay “hadal waali ah”, halka qaar kalena ay ku macneeyeen “xeelad doorasho”.

Madaxweyne Trump ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay golaha ammaanka QM, arbacadii, halkaasi oo wasiirka arrimaha dibedda China, Wang Yi uu durba beeniyey hadalka Trump, isaga oo sheegay in China aysan faro gelin arrimmaha gudaha ee dalna.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda China, Geng Shuang ayaa isna ka sheegay Beijing in beesha caalamka ay taqaan dalka ugu badan ee faro-gelinta ku sameeya arrimaha gudaha ee dalalka kale.

“Waxaan kula talineynaa Mareykanka inay joojiyaan cambaareyntan iyo aflagaadada joogtada ah ee uu ku hayo China” ayuu yiri Geng, oo intaas ku daray “Joojiya erayada qaldan iyo ficilladan dhaawacaya xiriirka labada dal iyo danahooda guud”

XS
SM
MD
LG