Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dalalka ku haray heshiiska Nukilyeerka Iran oo heshiis gaaray


Shanta dal ee ku haray heshiiska Nuclera-ka Iran ayaa isku raacay inay sameeyaan hab lacagta lagu bixiyo oo gaar ah, kaasi oo shirkadaha u ogolaanaya inay sii wadaan ganacsiga ay la sameynayaan maamulka dalkaas, ayaga oo dhinac maraya cunaqabateynta Mareykanka uu saaray.

Ergada dalalka Britain, France, Germany, Russia iyo China ayaa gelinkii dambe ee shalay xarunta QM kasoo saaray bayaan ay ugu dhawaaqeen abuurka hab lacageed gaar ah oo loogu magac dara SPV, oo laga sameyn doono Midowga Yurub.

Dalalkan ayaa sheegay in habkan cusub uu fududeyn doono iibsashada waxyaabaha Iran ay dhoofiso, oo ay ku jirto saliidda.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa weriyayaasha u sheegtay in SPV uu siinayo dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub hab sharci ah oo fududeynaya in ganacsi lala smaeeyo Iran, una ogolaanaya shirkadaha Yurub inay sii wadaan ganacsiga ay la leeyihiin Iran, si waafaqsan sharciga Midowga Yurub.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in habka SPV uu u furan yahay inay adeegsadaan dalalka kale ee dunida.

Mogherini ayaa sheegtay in heshiiska maaliyadeed looga gol leeyahay in lasii wado heshiiska ay sanaddii 2015 laga gaaray Nukliyeerka Iran, kaasi oo Iran ay ku beddelatay in laga qafiifyo cunaqabateynta dhaqaale.

Heshiiskan ayaa waxaa la saxiixay waqtigii madaxweyne Obama, hase yeeshee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka baxay.​

XS
SM
MD
LG