Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Natiijada Doorashadi Sweden oo Lagu Dhawaaqay


Hogaamiyaha xisbiga Christian Democrats Ebba Busch T oo ka hadlaysa gudaha Stockholm, Sweden, Sept. 9, 2018.

Guddiga doorashada Sweden oo maanta ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashooyinkii baarlamaaniga ee Sweden ka dhacay sagaalki bishaan September, ayaa sheegay in xisbiga talada haya ee Social Democratic uu ku guuleystay codadka ugu badan ee doorashada.

Natiijada rasmiga ah ee soo baxday Axadda maanta ayaa muujineysa in xisbiga Ra’isulwasaare Stefan Lofven ee Social Democrats uu helay 28.3 boqolkiiba codadki la dhiibtay, xisbiga midig dhexe ee ay siyaasaddiisu dhexdhexaadka tahay ee keenay 19.8 boqolkiiba halka xisbiga Sweden Democrats uu ku guuleystay codad dhan 17.5 boqolkiiba.

Dhamaan sadexda xisbi ee doorashada ku loollamay midkoodna ma helin aqlabiyadda baarlamaanka oo ka kooban 349 kursi si uu u soo dhiso dowlad.

Sidaasi daraadeed, natiijadani ayaa ka dhigan in Sweden ay wajaheyso todobaadyo daganaansho la’aan siyaasadeed ah gaar ahaan muddada ay socdaan wadahadallada ay xisbiyada ku doonayaan in ay kusoo dhisaan dowlad wadaag ah.

Labada xisbi ee ugu codadka badan ayaa diiday in ay dowlad wadaag la galaan xisbiga midigta fog ee Sweden Democrats, kaasoo lagu yaqaano sagooli naceybka iyo siyaasadda ah in Sweden laga saaro Midowga Yurub.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG