Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan iyo Putin oo ka shiraya arrinta Idlib


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhiggiisa Russia Vladimir Putin kula kulmi doona Isniinta magaalada Sochi ee dalka Ruushka, sida ay sheegeen saraakiil sare oo Turkish ah.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo beesha caalamka ay ka walaacsan tahay weerar ay ciidamada dowladda Syria qorsheynayaan inay ku qaadaan gobolka Idlib ee ku teedsan xuduudda Turkiga, oo ah meesha ugu dambeysa ee ay ku xooggan yihiin mucaaradka madaxweyne Bashar al-Assad.

Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa shir jaraa’id maanta ku sheegay in dalkiisa uu diyar u yahay inuu cid kasta kala shaqeeyo la-dagaalanka argagixisada, hase yeeshee in la dilo shacabka, haweenka iyo caruurta ayada oo loogu cudurdaaranayo la dagaalanka argagixisada ay tahay arrin aan bani aadannimo ahayn.

Turkey ayaa ka walaacsan in howlgal ballaaran oo ka dhaca Idlib uu sababi doono qaxooti badan oo dalkeeda kusoo qaxa, xilli ay mar horeba dalkaas ku nool yihiin in ka badan 3 milyan oo qof oo Suuriyaan ah.

Ruushka iyo Iran ayaa xulufo la ah madaxweyne Assad, halka Turkiga uu tagaeero mucaaradka doonaya inay isaga xukunka ka tuuraan.

XS
SM
MD
LG