Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia iyo Eritrea oo dib u furay xuduudkooda


Border Ethio- Eritrea
Border Ethio- Eritrea

Xiriirka sida xowliga ah usoo wanaagsanaanaya ee dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa maanta talalabo kale horey u qaaday kadib markii labada dal ee xifaaltanka uu ka dhaxeyn jiray ay dib u fureen xuduudda ay wadaagaan kadib labaatan sano.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel, ayaa dhacdadan taariikhiga ah ku shaaciyey bartiisa twitter-ka, isaga oo yiri “Madaxweyne Isiais Afwerki iyo r’iisul wasaare Abiy Ahmed, waxay maanta si rasmi ah u fureen barta xuduudeed ee Debay Sima – Burre, si baabuurta ay isaga gudbaan”

Meskel ayaa sheegay in Afwerki iyo Abiy ay sidoo kale maanta qaban doonaan xaflad kale oo lagu furi doono barta xuduudda ee Serha-Zalambesa.

Xafladda furitaanka xuduudda ee maanta ayaa waxaa lagu soo beegay sanadkan cusub ee Ethiopia.

Xiriirka labada dal ee ku yaalla Geeska Afrika ayaa horumaray kadib markii ra’iisul wasaaraha Ethiopia uu bishii June ku dhawaaqay in dalkiisa uu sharfi doono heshiiskii QM ay mas’uulka ka ahayd ee la saxiixay sanaddii 2000, kaasi oo soo afjaray dagaal laba sano ka socday xuduudda oo ay ku dhinteen 70,000 oo qof.

Go’aankaas ayaa hogaamiyey heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo bishii tagtay ay wada saxiixeen Abiy iyo Afwerki, waxaana kadib labada dal ay dib u fureen safaaradahood, ayaga oo sidoo kalena soo celiyey duulimaadyadii diyaaradeed iyo xiriirkii qadka taleefon.




XS
SM
MD
LG