Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin weerar ka gaystay Paris oo la qabtay


Booliska Faransiiska ayaa xiray nin la sheegay inuu magaalada Paris ku dhaawcay 7 qof oo ay ku jiraan laba ruux oo dalxiisayaal British ah.

Weerarka ayaa Axadi ka dhacay meel u dhaw Shaleemo ku taalla daanta kannaalka dhaca waqooyibari ee magaalada Paris. Goob-joogayaal ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu watay toorreey iyo bir.

Ninkan ayaa la rumeysanyahay inuu kasoo jeedo dalka Afghanstan. Warbaahinta Faransiiskana waxay ku warrantay in boolisku aysan aaminsaneyn in weerarkan uu yahay mid xiriir la leh argagixiso.

Wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay in afar ka mid ah dadka dhaawaca ah ay ku jiraan xaalad khatar ah.

XS
SM
MD
LG