Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriinta Danbiyada Ka Geysta Mareykanka oo la Musaafurinayo


Qaar ka mid ah mudanayaasha Aqalka Wakiillada
Qaar ka mid ah mudanayaasha Aqalka Wakiillada

Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa ansixiyay qodob sharci ah oo dowladda federaalka Mareykanka u fududeynaya in ay masaafuriyaan dadka muhaajiriinta ah ee danbiyada daran ku gala Mareykanka.

Sharcigan cusub ayaa qeexaya waxa uu yahay danbi culus, sidoo kale wuxuu farta ku goday sharci ay horay maxkamadda sare ee Mareykanka u xukmisay oo ku saabsanaa musaafurinta muhaajiriinta danbiilayaasha ah.

Danbiyada loo tarxiili karo dadka muhaajiriinta ah ee ku nool Mareykanka ee ay ansixiyeen Aqalka Wakiillada ayaa waxaa ka mid ah dilka, dagaal gacan ka hadal ah, kufsi, burcadnimo iyo xattooyo iyo qaadashada hub sharci darro ah.

Qodobkaan ayaa waxaa ansixiyay Aqalka Wakiillada oo ay hadda aqlabiyaddiisu gacanta ku hayo xisbiga Jamhuuriga. Kaliyah 21 ka mid ah mudanayaasha xisbiga dimoqraadiga u matala aqalka ayaa ogolaaday qodobka, halka afar ka mid ah xildhibaanada Jamhuuriga ay kasoo horjeesteen.

XS
SM
MD
LG