Ugu yaraan 7 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen kaddib dhulgariir Khamiista maanta ah garaacay Jaziiradda Hokkaido ee waqooyiga dalka Japan.
Dhul-gariirka oo cabirkiisu ahaa 6.7 ayaa dhoobo iyo dhagxaan kasoo daatay buuraha ku rogay boqollaal guri oo ku yaalla deegaannada la daganyahay ee jaziiradda.
Ku dhawaad saddex milyan oo ruux oo ku nool jaziiraddan ayaa hadda aanan heysan wax koronto ah, waxaa sidoo kale xiran nidaamka tareennada iyo garoonka ugu weyn jaziiradda ee Chitose.
Telefashinka qaranka Japan ee NHK ayaa sheegay in 140 ruux ay ku dhaawacmeen dhul-gariirka, halka 40 kalena lagu la’yahay geeri iyo nolol.
Ra’iisul wasaare Shinzo Abe ayaa sheegay in 25,000 oo askari loo diray Hokkaido, si ay uga qeybgalaan howlaha gurmadka ah ee loo fidinayo dadka ay waxyeellada kasoo gaartay dhul-gariirka.
Dalka Japan ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ka dhacaan dhul-garriirada. Bishii March ee sannadkii 2011, dhulgariir ka dhacay dalkaasi ayaa sababay dhimasho farabadan.
Facebook Forum