Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Qarax lagu laayey shacab


Afghanistan
Afghanistan

Afghanistan ayaa maanta u baroordiiqaysa dhimashada 26 qof oo shacab ah, oo ay ku jiraan cayaaryahanno, shaaale gargaare iyo suxufiyiin, kuwaasi oo xalay lagu dilay laba qarax oo ka dhacay magaalada Kabul.

Kooxda Daacish ayaa wakaaladdeeda wararka ee Amaq ku sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas.

Weerarka ayaa xalay ka dhacay degmada galbeedka ku taalla ee Dashti-i-Barchi ee caasimadda Kabul, halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka shiicada ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka, Waheed Majroh ayaa VOA u sheegay in qiyaatsii 100 qof oo kale lagu daweynayo isbitaallo kala duwan, kadib dhaawcayo kasoo gaaray weerarka.

Booliiska iyo goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxa koowaad ee labada qarax uu dhacay markii qof ismiidaamiyey uu isku qarxiyey xarun cayaaro oo uu ka socday tartanka lagdanka.

Qaraxa labaad ayaa dhacay waxyar kadib markii booliiska iyo weriyayaasha ay isugu soo baxeen goobta uu qaraxa koowaad ka dhacay.


XS
SM
MD
LG