Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pompeo oo wada-hadal u jooga Pakistan


Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta tagey dalka Pakistan, halkaasi oo wada-hadallo heer sare ah uu kula yeelan doono hogaamiyayaasha dowladda cusub ee dalkaas, xilli xiriirka labada dal uu marayo meeshii u hooseysay.

Pompeo ayaa weriyayaasha u sheegay in howlgalkiisa Pakistan looga gol leeyahay in labada dal ay halaan marin ay si wada-jir ah ugu dhaqaaqi karaan, meeshana laga saaro xiriirka xumaaday ee fadhiidka noqday ee labada dal.

Pompeo ayaa waxaa socdaalka ku wehliya taliyaha taliska ciidamada Mareykanka General Joseph Dunford, taasi oo hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ka hor-tagga argagixisanimada ay ku leedahay socdaalka.

Wafdiga Mareykanka ayaa wada-hadallo rasmi ah la yeelan doona wasiirka arrimaha dibedda dalkaas Shah Mehmood Qureshi.

Saraakiil ayaa VOA u sheegay in waftiga Mareykanka ay sidoo kale la kulmi doonaan ra’iisul wasaare Imran Khan iyo taliyaha milatariga Mareykanka General Qamar Javed Bajwa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG