Wakiilka hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga adduunka ee UNHCR u qaabilsan arrimaha Soomaalida, Maxamed Cabdi Afeey ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhibaato haysata ardeyda Soomaaliyeed iskuuladda sare ka qalin jabisa.
Afeey ayaa sheegay in ardaydaas ay badankood ku adag tahay helitaanka waxbarasho jaamacadeed, taasina ay ardayda ku keentay dhibaato saameyn ku yeelatay nolasha ardeyda.
Waxaa uu sheegay in dhibaatadan ay ka jirto xeryaha qaxootiyada ee Dhadhaab ee dalka Kenya, oo kumanaan Soomaali ah ay weli ku nool yihiin.
Maxamed Cabdi Afeey ayaa xafiiskiisa ugu warramay wariyaha VOA ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.