Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heerka dhimasho ee tahriibayaasha Yurub oo kordhay


Tirada muhaajiriinta imanaya qaaradda Yurub ayaa hoos u dhacday, hase yeeshee heerka dhimashada ayaa si aad ah sare ugu kacay, sida lagu sheegay warbixin ay maanta soo saartay hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR.

Dadka sida sharci-darrada ah dadka u tahriibaya ayaa qaadanaya halis dheeri ah, ayada oo Libya ay qabaneyso doomo tiro badan oo sida dad tahriibaya, sida lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay “Safarrada quusta ah” ayaa sheegtay in 2,276 qof ay dhinteen sanaddii tagtey, taas oo macanheedu yahay in 42-kii qof ee ka gudbaya baddda meditareeniyaanka uu qof ka mid ah dhintay sanadkii tagey.

Sanadkan, oo ay dhinteen 1095 qof ayaa heerka dhimashada waxa uu yahay in 18-kii qofba uu qof ka mid ah geeriyoonayo isaga oo isku dayaya inuu ka gudbo badda qeybisa Yurub iyo afrika.

Agaasimaha hay’adda UNHCR ee xafiiska Yurub, Pascale Moreau ayaa sheegay in badda meditareeniyaanka ay tahay mid ka mid ah badaha ugu dhimashada badan dunida.

Waxa uu sheegay in ayada oo dadka usoo tahriibaya Yurub ay hoos u dhaceen, ay su’aashu iminka ahayn inn Yurub ay maareyn karto dadkaas, balse ay tahay in Yurub ay muujin karto bani’aadannimo oo ay nolol badbaadin karto.

XS
SM
MD
LG