Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo jaraya Kaalmadi uu Sii Jiray Pakistan


Ciidamada Pakistan oo maraya xadka Afganstan

Dowladda Mareykanka ayaa jareysa 300 oo milyan oo doollarka Mareykanka ah oo ay gargaar ahaan u sii jirtay Pakistan, kaddib marki uu maamulka madaxweyne Trump sheegay in Islamabad ay ku guuldarreysatay in ay tallaabo adag ka qaaddo maleeshiyaadka mintidka ah.

Mareykanka ayaa bilooyinki ugu danbeeyay ku cadaadinayay Dowladda Pakistan in ay joojiso goobaha ammaan ee ay siineyso maleeshiyaadka weerrarada ka geysto gudaha dalka Afghanistan.

Pakistan ayaa dhankeeda ka sheegtay in la dagaallanka argagixisada ay ku bixisay balaayiin dollar isla markaana ay kaga dhinteen ciidamo farabadan.

Horraantii sannadkaan, madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu balaayiin dollar oo gargaar ah ku bixiyay Pakistan, halka Pakistan ay Mareykanka usoo celisay been iyo khiyaano.

Afhayeenka waaxda gaashaandhiga Mareykanka Colonel Kone Faulkner ayaa sheegay in Mareykanka uu lacagihi uu ku bixi jiray Pakistan u weecin doono meelo kale.

Koongareeska Mareykanka ayaa ayaa laga sugayaa in uu anisixyo jaritaanka gargaarki ay Dowlada Mareykanka sii jirtay Pakistan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG