Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Gacanka Cadan Ku Qabtay Doon Hub Sidday


Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa sheegey inay ku qabteen oo ay ka hortageen hub gacanta Cadan, xilli ay dagaallo ka socdaan dalka Yemen.

Ciidamada ayaa war ay soo saareen ku sheegey in in markabka dagaal ee USS Jason Dunham uu qabtay doon siddey hub taas oo mareysay biyaha caalamiga ah ee gacanka Cadan. Arrintani ayaa waxay dhacday Taladaadii la soo dhaafay.

Muuqaal ay baahiyeen militariga Mareykanka oo la si daayay Jimciha maanta aya muujinaya doontaasi yar ee hubka siddey.

Ciidamada ayaa sheegey in doonida laga helay in ka badan kun qoryaha AK-47-ka ah.

Waxay sidoo kale ciidamadu sheegeen in aan la shaacin halka uu ku socdey hubka.

XS
SM
MD
LG