Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynayaal Hore oo ka Qeyb Gali Doona Aaska McCain


Siyaasiyiin Maraykan ah oo isugu jira kuwa xilal hore soo qabtay iyo kuwa haatan xilal haya oo ka soo kala jeeda dhammaan garabyada siyaasadda ee Maraykanka ayaa lagu wadaa in Sabtida ay ka soo qayb-galaan munaasabad loogu baroor-diiqayo Senator John McCain oo Sabtidii geeriyooday.

Munaasabaddan ayaa waxaa hadallo ka jeedin doona madaxweynayaashi hore ee Maraykanka ee Barack Obama, George W. Bush iyo mas’uuuliyiin kale.

McCain ayaa Axadda lagu aasi doonaa xaruunta kulliyaddii uu wax ku soo bartay ee Akaadiimiyadda ciidanka badda ee Maraykanka oo ku taalla gobolka Maryland.

McCain oo siyaasadda ku soo jirey in ka badan 30 sano, ayaa u dhintay kansarka maskaxada ku dhaca oo uu in sanad ah la tacaalaayay.

XS
SM
MD
LG