Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Addis Ababa: Cabdi Maxamuud Cumar oo La Xirey


Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee xarrunta dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xabsiga loo tabaaxay maanta madaxweynihii ee Gobolka Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo rag kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Ciidamada amniga ee Itoobiya ayaa ka kaxeeyay Cabdi Maxamuud Cumar hoygii uu ka deganaa Addis Ababa, kadibna u wadey xabsi.

Telefiishanka Itoobiya ayaa xaqiijiyey qabashadaasi.

Maalintii shalay ayaa Baarlamaanka Maamulka Soomaalida uu xasaanaddii ka qaaday Cabdi Maxamuud Cumar iyo lix qof oo kale oo ka tirsanaa maamulkiisa.

XS
SM
MD
LG