Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uganda: Fannaan Siyaasi ah oo Maxkamad Lasoo Taagay


Dibad baxayaal taageersan Robert Kyagulanyi
Dibad baxayaal taageersan Robert Kyagulanyi

Fannaan caanka ah dalka Uganda oo noqday mudane ka tirsan baalramaanka kadibna mucaarad ku noqday madaxweynaha Uganda ayaa wajaha eedo la xiriira khiyaano qaran, kadib marki ay maxkamad ka ridday danbi kale oo ahaa inuu qaatay hub sharci darro ah.

Dhageysiga dacwadaha loo heysto Robert Kyagulanyi, oo ay dadka dhegeysta heesihiisa u yaqaanaan Bobi Wine, ayaa billaabatay maanta oo Khamiis ah, kadib marki uu kasoo muuqday maxkamad millatari oo ku taalla magaalada Gulu ee waqooyiga Uganda.

Wuxuu ku eedeysnaa inuu heystay hub sharci darro ah, balse maxkamadda ayaa laashay dacwadahaasi, hase yeeshee markiiba waxaa xiray ciidamo boolis ah oo ku eedeeyay khiyaano qaran. Xaakimka maxkamadda ayaa amray in xabsiga lagu sii hayo ilaa 20-ka bishan August.

Kyagulanyi ayaa la xiray todobaadki hore isaga iyo afar xildhibaan oo kale oo la xiriiriyay weerar la sheegay in lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo galbineysay madaxweyne Yoweri Museveni gudaha magaalada Arua ee dhacda waqooyibalbeed ee Uganda.

Dibadbaxayaal careysan ayaa dhagxaan la dhacay baabuurti waday Museveni xilli uu ku guda jiray ololaha doorashada baarlamaanka. Kyagulanyi ayaa isna gobolkaasi ugu ololeynayey xisbiga mucaaradka.

Weerarkaasi kadib ciidamada booliska ayaa rasaas ku furay dad mudaaharaadayay, waxaana ku dhintay rasaastaasi darawalkii Kyagulanyi.

Robert Kyagulanyioo ah 36 jir ayaa ka mid ah dadka sida aadka ah u mucaaraday madaxweyne Museveni tan iyo marki uu siyaasadda ku biiray. Madaxweyne Museveni oo ah 74 jir ayaa Uganda xakumayay tan iyo sannadki 1986.

XS
SM
MD
LG