Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canshuur Kordhinta Mareykanka iyo Shiinaha oo Maanta Dhaqan-gashay


Beeraleey Mareykan ah oo beertiisa ku dhex socda
Beeraleey Mareykan ah oo beertiisa ku dhex socda

Canshuur kordhin dhinaca wax soo saarka ah oo ay isugu jawaabeen dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa maanta oo Khamiis ah dhaqan galay.

Mareykanka ayaa horraantii bishaan ku dhawaaqay in tacriif dhan bolkiiba 25 uu saarayo qaar ka mid ah badeecadda uu Shiinaha usoo dhaafiyo dalkaan Mareykanka. Canshuur kordhintan ayuu Mareykanka ka faa’iidi doonaa 16 bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Waxaa ka horreysay tacriif kale oo uu maamulka madaxweyne Trump sidaas oo kale u dul dhigay wax soo saarka Shiinaha bishii July. Tacriiftaasi ayaa iyana aheyd 25 boqolkiiba wax soo saarka Shiinaha uu u soo dhoofiyo Mareykanka.

Dowladda Shiinaha ayaa labaduba ugu jawaabtay iyaduna canshuur kordhin 25 boqolkiiba ah oo ay dul dhigtay badeecadaha ay shirkadaha Mareykanka u iibgeeyaan Shiinaha.

Bayaan kasoo baxay maanta Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha ayaa lagu cambaareeyay tacriifaha uu Mareykanka saaray Shiinaha. Wasaaradda ayaa tallaabadaasi ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah xeerarka Ururka Ganacsiga Aduunka.

Waxaa kale oo ay wasaaraddu sheegtay in ay qaadeyso tallaabo dhinaca sahrciga ah oo ay u mari doonto Ururka Ganacsiga Aduunka.

Dhaqanka galka tacrtiifta cusub ee ay isku rogeen labada waddan ayaa kusoo beegmay maalin kadib marki wufuud ka kala socota Shiinaha iyo Mareykanka ay ku kulmeen magaaladan Washington DC, si ay u xaliyaan muranka dhinaca ganacsiga ah ee labada waddan.

XS
SM
MD
LG