Kumanaan Muslimiin ah oo u badnaa Somali ayaa isugu soo baxay salaadii Ciidda ee shaley, taas oo lagu qabtay Stadium weyn ee dhowaan laga dhisey Minneaposli kaa soo ah kan ugu weyn ee dalkan Mareykankan.
Masuuliyiin badan oo Muslimiinta Mareykanka ah ayaa ka hadlay goobtaasi waxaana ay ka dhawaajiyeen Muslim naceybka iyo heerka uu gaarsiisanyahay dalkan, iyo sidoo kale horumarka bulshooyinka soo galootiga ah Somalida ay ka mid tahay ay ka gaareen dalkan. Gaar ahaan iyada oo dhowaantan dhowr musharax oo Somali-mareykanka ah ay guuleysteen.
Warbixinta ciidda iyo Aragtida Muslimiinta waxaa stadium kaasi ku tukaday oo warkan kasoo direy wariyaha VOA Mahmuud Mascadde.