WASHINGTON. D.C —
Wararka ka imanaya dalka Afghanistan ayaa sheegay hoobiyayaal lagu weerarar caasimadda Kabul, xilli uu madaxweynaha dalkaasi Asharf Ghani khudabadda ciidda u jeedinayay dadweynaha.
Ugu yaraan hal hoobiye ayaa ku dhacay agagaarka madaxtooyada halkaasi oo uu madaxweynuhu ka khudbadaynayay.
Kooxda Taliban ayaa iska fogaysay weerarkaasi, waxaanay kooxdu sheegatay inaanay ka mas’uul ahayn weerarka maanta.
Booliska ayaa sheegay in koox isa soo miidaamisay oo ka kooban shan xubnood ay ku dhuunteen meel u dhow masaajid ku yaalla caasimadda iyaga oo in ka badan tobon hoobiye ku riday qaybo ka mid ah caasimadda.
Afar ka mid ah nimanka weerarka soo qaaday ayay boolisku dileen, sidoo kale hal askari oo boolis ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi.