Isku xirrada

War Deg-Deg ah

HRW: Halla Baaro Madaxweynihii DDSI Iyo Talihii Ciidamada


Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dawladda Itoobiya inay ogolaato baadhitaan madaxbannaan oo lagu sameeyo gabood-fallo ay hay’addu sheegtay inay ka dhacayeen Gobolka Ismamaulka Soomaalida in ka badan 10 sano.

Humanr Rights Watch ayaa sheegtay in loo baahan yahay gaar ahaan in baadhitaan lagu sameeyo mas’uuliyaddii madaxweynihii hore ee gobolkaasi Cabdi Maxamuud Cumar iyo taliyaha ciidamada Liyuu Police Cabdiraxmaan Cabdullaahi Buraale. Warbixintan Human Rights Watch waxaa soo akhrisay Sahra Ciidle Nuur.

HRW oo dalbatay in baaritaanno madax bannaan lagu sameeyo gabood fallada Ismaamulka Somalida itobiya
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:11 0:00

Dhagaystayaal waxa naga xusuusin ah inaan ilaa haatan ku hawlanahay sidii aan u heli lahayn dhinaca mas’uuliyiinta Gobolka Ismaamulka Soomaalida si ay uga jawaabaan warbixintan kasoo baxday Human Rights Watch.

XS
SM
MD
LG