Jabhadda ONLF ayaa sheegtay inay iskaashi la samaysatay urur la yiraahdo Somali Regional Democratic Alliance, ayna samaysteen isbahaysi lagu magacaabo Somali Coalitition for Freedom.
Waxay sheegeen in isbahaysiga cusub uu ka shaqayn doono sidii loo sugi lahaa aaya-ka-tashiga dadka Soomaalida Itoobiya. Jaamac Buulle Jaamac ayaa isbahaysigan oo looga dhowaaqay London ka waraystay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ONLF Axmed Yaasiin Ibraahim.