Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Taliban oo Qafaashay Dad Basas ku Safrayay


Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay Taliban yihiin ayaa dad rakaab ah oo la socdey kolonyo basas ah ka qafaashay waqooyiga Afghanistan Isniinta maanta.

Af-hayeen u hadlay maamulka gobolka Kunduz ayaa sheegey in kooxdu ay joojisey seddex bas xilli ay ka safrayeen gobolka Takhar kuna sii jeedeen Kabul.

Maleeshiyaadka, ayaa la tilmaamay inay ku qasbeen rakaabka inay ka soo wada degaan basaska, kadibna ay kaxeystaan.

Kooxda Taliban ayaanan wali sheegan mas’uuliyadda afduubka.

Dhacadadan ayaa imaaneysa maalin uun kadib markii madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani uu si iskiisa ah xabbad joojin lala galo Taliban ugu dhawaaqay, si loo xushmeeyo maalmaha Ciidda Carafo, xilli ay sidoo kale kooxda Taliban ay cagta mariyeen degmo ku taalla waqooyiga dalkaasi, islamarkaasina ay gacanta ku dhigeen dhowr askar oo ka mid ah ciidamada dowladda.

XS
SM
MD
LG