Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kofi Annan oo Geeriyooday


 Kofi Annan
Kofi Annan

Xoghayihii hore guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan, ayaa maanta geeriyooday, isaga oo ay da’diisu aheyd 80 sano jir.

Mr. Annan ayaa u geeriyooday xanuun yar oo muddo kooban hayay, sida lagu qoray barta twitter-ka ee Hey’adda Kofi Annan Foundation.

Kofi Annan ayaa ahaa qofki ugu horreeyay oo Africaan madoow ah oo kasoo jeeda Qaaradda Africa oo madax ka noqda Qaramada Midoobay. Wuxuu soo maamulay muddadi u dhaxeysay 1997 ilaa 2006.

Sannadki 2001, waxuu ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, oo uu ku muteystay shaqadi uu ka qabtay arrimaha bani’aadannimada.

Isaga iyo xaaska uu hadda ka geeriyooday Nane Annan waxay isu dhaleen saddex carruur.

XS
SM
MD
LG