Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Talyaaniga: Tirada Dadka ku Dhintay Buundadii Duntay oo Korortay


Masuuliyiinta dalka Talyaaniga ayaa sheegay Arbacan maanta ah in ugu yaraan 37 qof ay ku dhinteen buundo wayn oo ay baabuurtu maraan oo ku taalla magaalada Genoa.

Dhowr qof ayaa wali la la'yahay iyada oo dadka gurmadka ka shaqeeya ay sii wadaan in ay ka raadiyaan burburkii ka dhacay qaybta leexatada ah ee buundada Morandi oo soo go’day intii ay socotay dabayl xoog leh.

Bur bur-ka dhismaha ayaa sababay in daraasiin gawaari ah ka soo dhacaan dhirir dhan 45 mitir, iyadoo qaybo waawayn oo birta ah ay hoos ugu dhaceen bakhaarada warshadaha ka hooseeya buundada.

Sida laga soo xigtey mas'uuliyiinta, guud ahaan dadka dhintay ayaa ahaa wadayaashii baabuurta ee marayay buundada mana jirin dad meelaha marayay oo ku dhintay masiibadaasi.

XS
SM
MD
LG