Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nin diyaarad uu xaday ay la burburtay


Burburka diyaaradda la xaday
Burburka diyaaradda la xaday

Nin u shaqeynayay shirkad diyaaradeed oo laga leeyahay magaalada Seattle ee dalkan Mareykanka ayaa xalay xaday mid ka mid ah diyaaradihi yaallay garoonka, ka hor inta aysan diyaaradda kusoo dhicin jaziiradda Ketron ee gobolka Washington.

Taliyaha ciidanka booliska magaalada Pierce ayaa sheegay in nin 29 jir ah oo u shaqeynayay shirkadda diyaaradaha Horizon Air uu garoonka caalamiga ah ee Seattle-Tacoma ka qaatay diyaarad laba matoorreey ah nooceeduna ahaa Q400.

Boolisku waxay ninka falkani ku kacay ku tilmaameen inuu ahaa nin isdilayay.

Cajalad laga duubay qeybta laga xakameeyo diyaaradaha ee garoonka Seattle-Tacoma ayaa laga maqlay, Shaqaalaha haga diyaaradaha oo isku dayaya in ay ku qanciyaan nin ay ugu yeereen "Rich" inuu soo dajiyo diyaaradda.

Ninka ayaa ku jawaabay "...Waxaan ahay sabool, waxaana u maleynayaa in ay maskaxdu I dabacday."

Madaxa shaqaalaha shirkadda Horizon Air, Constance von Muehlen ayaa sheegtay in dhamaan shaqaalaha shirkadaha Alaska Air iyo Horizon Air ay ka xunyihiin geerida shakhsiga diyaaradda waday ee ay kadibna la burburtay.

Shirkadda Horizon wali ma aysan soo bandhigin magaca ninka diyaaradda ay lasoo dhacday.

Boolisku waxay sheegeen in diyaaradda marki ay hawada gashay ay ceyrsadeen laba diyaaradood oo ah kuwa dagaalka noocooduna ahaa F-15. Burburka diyaarada ayaa la sheegay in aysan ka danbeyn diyaaradahaasi milatari.


XS
SM
MD
LG