Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zambia oo Musaafurisey Hoggaamiyaha Mucaaradka Zimbabwe


Qareennada siyaasiga mucaaradka ee Zimbabwe Tendai Biti ayaa sheegay in dib loogu soo celiyay dalkiisa, kadib markii dalka ay deriska yihiin ee Zambia ay diideen magan galyo uu weydiistay.

Gilbert Phiri ayaa sheegay in Biti gacanta laga geliyay booliiska Zimbabwe maanta oo Khamiis ah, iyadoo layska dhega tiray amar ay maxkamad ka soo saartay in la hakiyo mussaafurinta Biti.

Tendai Biti ayaa ka mid ah 9 xubnood oo qeyb ka ah isbahaysiga MDC oo boliiska ay u doonayaan kicinta rabshadihii ka dambeeyay doorashooyinkii ka dhacay dalka Zimbabwe, oo isbahaysig MDC uu sheegay in Madaxweyne Emmerson Mnangagwa uu ku shubtay dooorshada.

XS
SM
MD
LG