Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada ISIS ee Afghanistan ku Sugan


Dadaalo badan oo lagu doonayo in lagu burburiyo ururka ISIS ee ka jira dalka Afghanistan ayaa horumar laga sameynayaa meelaha qaarkood, hase yeeshee lagu guuldareystay in ururkan lagaga horjoogsado in dalkaas joogis ku yeesho, sida laga ogaaday sirdoonka Maraykanka.

Ururka ISIS ee ku sugan dalka Afghanistan oo loo yaqaano IS-Khorasan ayaa la aaminsan yahay inuu haysto tiro ka badan kun dagaalyahan, kuwaas oo badankoodu ay ku sugan yihiin gobolka koonfurta dalka ku yaalla ee Nangarhar. Tiro yar ayaa iyadana la aaminsan yahay in ku sugan tahay gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Kunar.

Sida sarkaal sare oo Maraykanka ah oo qaabilsan la dagaalka argagixisadu uu sheegay ururka waxaa ku jira dad u kala dhashay dalalka Afghanistan, Pakistan iyo Uzbekistan. Sarkaalka ayaa sheegay in la aaminsan yahay in dagaalyahaniinta ururkani ay sidoo kale hawgalo ka sameeyaan dalka dariska ah ee Pakistan.

XS
SM
MD
LG