Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cuna-qabateynta Iran oo Hir-gashay


Mareykanka ayaa mar kale dib ugu soo rogey dalka Iran cunaqabateyntii dhaqaale. Cunaqabateyntan ayaa markeedii hore Iran loogu soo rogey si loo xadeeyo barnaamijkeedii nukliyeerka, waxaase markii danbe looga qaadey heshiis calami ah sanadkii 2015-kii.

Madaxweyne Donald Trump ayaa si joogto ah u cambaareyn jirey heshiiskaas, wuxuuna Mareykanka ka saarey heshiiskaas seddex bilood ka hor, cunaqabateyntan ayaa hirgashey saqdii dhexe ee Isniinta.

Goor hore oo saaka ah ayuu ku weerarey Iran in maamulka ka jira uu yahay kaligii taliye dilaa ah, kaasoo sii wada inuu daadiyo dhiiga dadka, rabshado iyo fowdana ka shaqeeya.

Waxaa kale oo uu ku celiyey madaxweynaha in Nov 5 Mareykanka uu sii wadi doono cunaqabateynta dhinaca tamarta iyo ganacsiga ee ay la galaan ganacsatada ajaanibta ah iyo hey'adaha dhaqaalaha bankiga dhexe ee Iran.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG