Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamo mar-kale gudaha u galay Jigjiga


Ciidamo aad u hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa gudaha u galay magaalada Jigjiga ee xarrunta ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Wasaaradda gaashaandhigga dalka Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada ay gudaha u galeen magaalada, kadib markii ay codsi ka heleen maamulka, sida ay baahisay idaacadda afka dowladda ku hadasho ee Fana.

Waxay Fana sheegtay in ay ciidamadu si dhaqso leh u billaabi doonaan howl gallo.

Ma jiro war ka soo baxay maamulka Soomaalida oo ku saabsan ciidamadan cusub ee soo galay Jigjiga.

Arrimahani waxay imanayaan xilli Sabtidii ay magaalada ka dhaceen qalalaase, kadib markii ciidamada federaaalka Itoobiya ay gudaha u galeen.

Qalalaasaaasi, ayaa waxa ku dhintey dad 29 qof, sida uu sheegey Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah madaxa xarrunta xisbiga ka taliya ismaamulka Soomaalida.

XS
SM
MD
LG