Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mnangagwa oo ku guuleystay doorashadii Zimbabwe


Mnangagwa
Mnangagwa

Emmerson Mnangagwa ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalka Zimbabwe ee ay hareereeyeen rabshadaha iyo eedeymaha ku saabsan wax is-daba marinta.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in Mnangagwa uu helay 50.8 boqolkiiba, isaga oo waxyar un ka hormaray hoggaamiyaha mucaaradka Nelson Chamisa.

Mnangagwa, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Waxaa i dareen geliyey in la ii doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Zimbabwe. Inkasta oo aan ku kala qeybsaneyn codbixinta, waxaa na mideeyey riyooyinkeena. Tani waa billow cusub. Aanu gacmaha isu qabsano nabad, midow, jaceyl iyo isku imaansho”

Si kastaba Chamisa ayaa natiijada doorashada ugu yeeray mid been ah, wuxuuna ballan-qaaday inuu maxkamadda ka dacwoon doono.

Qoraal uu soo dhigay twitter, ayuu ku yiri “Guddiga doorashada inay sii daayaan natiijo aan la xaqiijin waa wax laga shalaayo. Waxay wakiiladeena u diideen inay arkaan natiijada ka hor inta aan lagu dhawaaqin”

XS
SM
MD
LG