Isku xirrada

War Deg-Deg ah

China: Booliiska oo la Baxay Macallin Jaamacadeed


Booliiska dalka Shiinaha ayaa jabiyey guriga macallin hawlgab ah oo ka tirsanaa Jaamacadda Shandong ee dalka Shiinaha. Macallinkan ayaa dhaleecayn u jeedin jiray diiwaan xuquuqda aadamaha ee Shiinaha. Xiliga guriga lagu jabiyey macallinku waxa wareysi khadka telefoonka ah oo toos ah kula jiray telefishanka VOAda ee afka Mandarinka oo ah afka dalka Shiinaha lagaga hadlo.

Telefishanka ayaa isku dayey inay telefoonka gacanta iyo applicationka WeChat kula xiriiro, ka dib markii macallinka gurigiisa lagala baxay habeenkii xalay ahaa. Macallinka oo lagu magacaabo Wenguang Sun oo ku nool magaalada Jinan ee gobolka Shandong ayaa telefoonadii lagala xiriirnay aan qabanin.

Hadaladii u dambeeyey ee Professorka laga maqlo ayaa ahaa “Aragtideyda anigaa xaq u leh, iyo tani waa xoriyadeyda hadalka.”

XS
SM
MD
LG