Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran oo diiday yabooha kulan ee Trump


Madaxa ciidamada ugu awoodda badan milatariga Iran ayaa diiday yabooha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah inuu wada hadal toos ah la yeesho hogaamiyayaasha Iran, isaga oo sheegay in Tehran aysan weligeed wada hadal la yeelan doonin waxa uu ugu yeeray “Sheydaanka Weyn”

Taliyaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, Mohammad Ali Jafari ayaa hadalkan ku sheegay warqad furan oo lagu daabacay wakaaladda wararka Iran ee Fars.

Jafari ayaa sheegay in iimaanka islaamiga ee dhabta ah ee Iran uu ka dhigayo dalkaas mid ka duwan dalalka kale ee adeecayaasha Mareeykanka ah.

Jafari ayaa sidoo kale Trump ugu yeeray inuu yahay “madaxweyne aan xirfad lahayn”, kaasi oo rajadiisa ah inuu kulan la yeeshay madaxda Iran la gali doona qabriga.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniintii sheegay hadal kale oo yaab leh oo ah inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal toos ah la yeesho Iran.

Shir jaraa’id oo ay si wada-jir ah u qabteen isaga iyo ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa Trump waxaa lagu weydiiyey inuu diyaar u yahay inuu la kulmo madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani.

“Waxaan aaminsanahay kulamada” ayuu ku jawaabay Trump, oo intaas ku daray “In lala hadlo dadka kale, gaar ahaan marka ay timaado halista dagaalada, dhimashada iyo macluusha, waa inaad kulamo sameysaa, ma jiro wax dhib ah oo ku jira in la kulmo”

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG