Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaqaalaha Mareykanka oo kordhay 4.1%


Dhaqaalaha dalka Mareykanka ayaa bilihii April, May iyo June sameeyey kororkii ugu xawaaraha badnaa muddo afar sano ah.

Warbixin ay soo saartay waaxda ganacsiga Mareykanka ayay ku sheegtay in dhaqaalaha ugu ballaaran dunida uu rubicii labaad ee sanadkan kordhay 4.1%.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in canshuur dhimista uu sameeyey iyo siyaasadahiisa ganacsiga ay caawimaad ka geysteen sii socoshada ballaarashada dhaqaalaha.

Dadka taxliiliya dhaqaalaha ayaa sheegay in canshuur dhimista Trump ee horaantii sanadkan oo gaareysay 1.5 trillion ay dhaqaajisay kororka dhaqaalaha, ayada oo dadweynaha ku dhiir gelisay inay qarash gareeyaan lacagtooda.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in kororka dhaqaalaha uu intaan kasii ballaaran doona, marka uu sameeyo heshiisyo ganacsi oo uu wado.

Si kastaba dhaqaalyahanada ayaa sheegaya in korarka dhaqaalaha ee heerkan uu yahay mid ay saacideen xaalado ku meel gaar ah, islamarkaana uu bilaha soo socda meesha ka bixi doono.

XS
SM
MD
LG