Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo weeraray xarun haween


Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa sheegay in kooxaha mintidiinta ay weerar ku qaadeen xarun haweenka lagu caawiyo.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qaraxyo iyo rasaas culus laga maqlayey xarunta oo ku taalla bartamaha magaalada Jalalabad ee caasimadda gobolka Nangahar.

Qaar ka mid ah haweenka tababarka meesha ka bixinayey ayaa la daadgureeyey, sida uu sheegay afhayeenka gooblka Attaullah Khogyani.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ilaa hadda, mana cadda khasaaraha ka dhashay.

Si kastaba, weerar kan la mid ah oo dhowaan dhacay ayaa waxaa sheegtay kooxda Daacish ee dalka Afghanistan.

XS
SM
MD
LG