Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dab xoog leh oo ka socda California


Dab ka socda waqooyiga gobolka California ee dalkaan Mareykanka ayaa sababay dhimashada laba qof halka ay ku burbureen ugu yaraan 500 oo guri.

Saraakiisha gobolkaasi ayaa sheegay in labada qof ee ku dhintay dabka ay ka mid ahaayeen shaqaalaha dab-damiska.

Tobanaan kun oo qof ayaa ka barakacay meelaha u dhaw halka uu dabka ka ololayo, waxaana hadda la sheegay in holaca dabka uu ku dhawaaday magaalada Redding oo ay ku noolyihiin 90 kun oo qof.

Waaxda dhowrista dhirta iyo ka hortaga dabka ee California ayaa sheegtay in ay rumeysantahay in dabkani loo billaabay si ula kac ah, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii fidiyaan dabeylo xoog leh oo ka socda dhinac waqooyi ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha gobolka California Jerry Brown ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana uu ka codsaday dowlada federaalka in ay lasoo gaarto deg deg ah si looga hortago masiibo xoog leh.

XS
SM
MD
LG